Saturday, February 23, 2013

Madaxweyne Xasan oo Japan ay ku casuumtay Shirka hormarinta Africa ee TICAD

Muqdisho Feb 22 2013 (SDN)?Dowladda Japan ayaa ku martiqaaday Madaxweynaha Jamhuuriyada Faderalka Soomaaliya shir caalami ah oo looga hadlayo hormarinta qaarada Africa.

Safiirka Cusub ee dowladda Japan ay u soo Magacaawday Soomaaliya aya soo gaarsiiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud warqada Casuumaada Shirkaasi oo lagu Magacaabo TICAD (Tokyo International Conference for African Development) kaasi oo ah shir Shantii sanaba Mar la qabto.

Shirkan caalamiga ah oo ay ka soo qeybgalidoonaan hogaamiyaal badan oo Africa ah ayaa waxa uu ka dhici doonaa Magaalada Tokyo ee caasimada dalka Japan waxaana la filayaan in uu bilaawado 1-bisha June isagoona soo idlaan doona sida qorshuhu yahay 3-bishaas.

Ambassador Atoshisa Takata oo ah danjiraha cusub ee Japan Soomaaliya u qaabilsan oo shalay warqadihiisa Aqoonsiga laga gudoomay ayaa waxa uu sheegay in Xukuumadda Japan ay ka go?antahay xoojinta xiriirka wada shaqeen ee kala? dhaxeeya dowladda cusub ee Muqdisho.

Waa markii ayay noqon doontaa oo hogaamiyee ka socda Soomaaliya uu ka qeybgalo Shirka TICAD ee hormarinta Africa looga hadlo kaasi oo soo bilaawaday qabashadiisa sanadkii 1993dii.

SDN-Muqdisho??

Source: http://www.qurbejoog.com/2013/02/22/madaxweyne-xasan-oo-japan-ay-ku-casuumtay-shirka-hormarinta-africa-ee-ticad/

obscura grok cirque du freak paul pierce pope joan pope joan strikeforce tate vs rousey

No comments:

Post a Comment

Note: Only a member of this blog may post a comment.